﻿1
00:00:02,040 --> 00:00:05,840
KU SO DHAWOOW
Ammaanka-dabka ee guriga

2
00:00:06,000 --> 00:00:10,960
Waxaa jira sadex shay oo muhiim
u ah ka hortaga dabka ku fida gurigaaga:

3
00:00:11,120 --> 00:00:13,800
Alarmiga digniinta dabka,
shawlada cunto kariska oo nadiif ah,

4
00:00:13,960 --> 00:00:18,480
Iyo in adiga iyo dariskaagaba aadan
ku keedin jaranjarooyinka

5
00:00:18,640 --> 00:00:24,520
waxay ku adkaneysaa dab damiyaasha
iney galaan guriga, iyo adiga baxsashadaada.

6
00:00:24,680 --> 00:00:30,600
Marka hore, digniinta alarmiga. Milkiilaha guriga
waa inuu hubiyaa yaalitaanka alarmiga digniinta.

7
00:00:30,760 --> 00:00:33,240
Laakiin ADIGA waa inaad hubsataa inuu shaqeynayo.

8
00:00:33,400 --> 00:00:37,960
Sidaa darteed mar kasta oo aad bedesho
saacadaha wakhtiga xagaaga ama xilliga jiilaalka,

9
00:00:38,120 --> 00:00:42,760
hubi alarmiga qiiqa si aad u hubsato inuu shageynayo.

10
00:00:42,920 --> 00:00:48,360
Waxaad ku hubsan kartaa markaad
riixdo badhanka yar. Kadib waa aay dhawaaqi.

11
00:00:48,520 --> 00:00:52,960
Haddii aay dhawaaqi weydo,
waxey u baahantahay in laga badelo batariga.

12
00:00:53,120 --> 00:00:55,920
Qaabkaani ayaad u badali:

13
00:01:07,000 --> 00:01:12,840
Haddii uu alarmiga bixiyo hal shanqadh
dhawaaq, waa xilligii la badali lahaa batariga.

14
00:01:13,000 --> 00:01:15,760
Haddii aadan garaneyn nooca bateriga
uu u baahanyahay alarmigaaga.

15
00:01:15,920 --> 00:01:21,720
U qaad bateriga hore dukaanka ama ka qaad sawir.

16
00:01:21,880 --> 00:01:26,000
Ma ogtahay inuu dab kadhalan karo haddii
ay ku jirto dufan badan marwaxadda hawada qaada?

17
00:01:26,160 --> 00:01:33,440
Dufanta kujirta marwaxadda ayaa dhalaali kartaa, kadib
kuso-duldhici kartaa makiinada cunada oo dhalin kara dab.

18
00:01:33,600 --> 00:01:36,960
Hubi inaad si joogta ah u dhaqdo filtarka.
Halkan kabaro waxa la sameeyo:

19
00:01:37,120 --> 00:01:39,960
Ka saar filtarka.

20
00:01:40,120 --> 00:01:42,800
Saabuun ku qoosh xoolka.

21
00:01:42,960 --> 00:01:46,920
Isticmaal buraashka dhaqida
si aad uga saarto dufanta inta karaankaada.

22
00:01:47,080 --> 00:01:50,280
Biyo ku dhig filtarka habeen una-sug inta aay ka qalali.

23
00:01:50,440 --> 00:01:55,320
Haddii saliida ku jirta digsiga uu qabsado dabka,
marnaba biyo ha ku shubin.

24
00:01:55,480 --> 00:01:58,600
Ku dabool dabka dabool kadib dami marwaxada.

25
00:01:58,760 --> 00:02:04,640
Agabyada lagu keydiyo jaran-jarta khatar halis
ah ayay leeyihiin. Waa in WAXBA lagu kaydin halkaasi.

26
00:02:04,800 --> 00:02:10,840
Tani waa goobta badbaadada adiga iyo dariskaaga
oo ay kasoo gali lahaayeen qaabka dab-damiska.

27
00:02:11,000 --> 00:02:14,720
Dhibaato badan ayay dhalin kartaa hadii
ay alaab taalo wadada.

28
00:02:14,880 --> 00:02:19,720
Ammaanka dartiis,
WALIGAA haku xareynin alaab jaran-jarta.

29
00:02:19,880 --> 00:02:24,120
Waxyaabaha aad u baahan tahay si aad
u hubiso in alarmiga yahay aamin.

30
00:02:24,280 --> 00:02:27,960
Kursi ama gambar iyo batari cusub.

31
00:02:28,120 --> 00:02:31,480
Waxyaabaha aad u baahan tahay si aad u
hubiso in marwaxada jikadaada aay aamin
tahay:

32
00:02:31,640 --> 00:02:35,760
gacmo gashi caag ah, burushka dhaqidda,
iyo shukumaano.

33
00:02:35,920 --> 00:02:40,760
Si aad u hubsatid in jaran jartu ay aamin tahay,
xaqiiji inaadan wax ku kaydin!

34
00:02:40,920 --> 00:02:46,760
Xafir noqdo dabka.
Mar kasta diyaar hakuu ahaado bustaha dab damiye,

35
00:02:46,920 --> 00:02:50,040
waxaad diyaar u tahay haddii shil dhaco.

